3 Talaabo Kaliya Aya Ka Xigto Barashada Luuqada English

3 Talaabo Kaliya Aya Ka Xigto Barashada Luuqada English



 Tiro ka badan hal bilyan oo qofood ayaa ku hadasha caalamka luuqada ingiriiska , sidaa darteed waxaa lagu qiimeeyay shanta luqadood ee ugu istecmaalka badan dunida manta la joogo, markaad u dhago nuglaato xaqiiqdaas, way sahlan tahay inaad aragto sababaha barashada Ingiriisiga ay ugu ekaan karto hawl aan laga gudbi karin dadka qaarkood. Haddii aadan weli ku hadlin luuqada ingiriiska ama weli aadan baran, markaa intee ka bilaabaa? Warka fiicani waa in haddii aad raacdo tillaabooyinkan fudud, barashada Ingiriisiga waxay noqon kartaa mid fudud sida 1-2-3! Halkan waxaa kugu soo gudbin donaa shan tillaabo oo fudud oo aad ku baran karto Ingiriisiga si dhakhso leh oo aad u bilaabi karto.



Step 1: WRITING> QORAALKA


Ma jeclaan lahayd in xirfadahaaga kuu gaar ah sida qorista ay noqdaan kuwo si wanaagsan loo iftiimiyay? Ma rajaynaysaa inaad ugu dambayn qorto buugaag ama maqaalo laakiin ma hubtid halkaa aad ka bilaabayso?. Markaa maqaalkan wuxuu ku si faahfasan kuu tusinayaa sida loo horumariyo xirfadahaaga qoraal waa adiga! Waxa ku jira macluumaad ku saabsan qaab-dhismeedka jumlada, codka, iyo doorashada kelmad iyo sidoo kale tilmaamo badan oo ku saabsan sida aad wax badan u qorto oo aad ugu dhigi lahayd mid ka soocan dadka badankood. Dhamaadka maqaalkan,  noqo qoral dadka anfaco naftiisana anfaco.



Step 1: READING> AQRISKA


Akhrisku waa mid ka mid ah sifooyinka ugu qurux badan ee uu qofku yeelan karo. Buugaagta waxaa loo garan ogyahay inay yihiin mid ka mid ah saaxiibka ugu wanaagsan aad yelan karto sabab. Marka aad iyo aad bay u qiimo badan tahay in la yeelato caado wax-akhris oo fiican. Waa inaan dhammaanteen wax akhrino si aan u kororsano xogo badan oo naga dahsoon, marka waa inaan maalin kasta ugu yaraan 30 daqiiqo wax aqrinaa si aan ugu raaxaysano miriha  macaan ee akhriska. Farxad weyn bay ii tahay adna kuu tahay in aad goob qurux badan oo jawi dagan aad ku aqrisato buug walba oo noloshaada wax ka badalaaya si aad ugu raaxaysto wax aad  akhrineeyso. Akhrinta buug wanaagsan ayaa ah khibradda ugu farxadda badan ee qofku yeelan karo



STEP 3: SPEAKING> KU HADALKA


Habka Loo Hormariyo Hadalka marnba ha u ogolaan baqida aad ka qabto inaad dadweynaha dhexdooda ka qudbadeyso ama wax aad kasoo dhex jeediso, waxaad u baahantahay inaad tahay marka ugu horeyso qof naftiisa ku kalsoon,sidoo kale hadaad maalin kasto 30 daqiiqo ku hadasho luuqad aad baraneyso waxaan aminsanahay inaad natiijo ka keeni doonto. Marka ugu dambeyntii waxaad iskaga filnaatay baqidii aad ka qabtay inaad dadweynaha dhexdooda aad wax ka soo jeediso! Waxaa laga yaabaa inaad diyaar u tahay inaad xafladii qalinjabintaada aad qudbad kasoo jeediso inta aadan soo jeedin istijaabi oo iska duub ka dibna dib u dhageyso, sidoo kale waxaa laga yaabee inaad wareysi shaqo lagaa  qaadayo intaba waxaad u baahan inaad tahay qof diyaarsan oo xirfad u leh ku hadalka aadna ku qancin kartoqofka am shirkada kaa qadeyso wareesigaas.



nala wadaag adna fikirkaaga ama habka aad u hor mariso xirfadahan halkan ku sugan?

Heybad

My name is Adnan Abdulkadir Mohamed, I'm content writer blog poster and etc

Post a Comment

Previous Post Next Post

Contact Form