Waa
mid ka mid dalalka dhaca ameerikada dhexe wuxuna xad la leeyahay dalalka kala
ah Nicaragua oo waqooyiga ka xiga iyo Panama oo konfurta kaga beegan galbeedka
waxaa ka xigta badweynta Pasific halka dhanka barina ka xigto bada
Caribbeanka biyaha costa rica ee badweynta pacifiga guud ahan waa ( 625000
Wuxuna dalkan leeyahay ku dhawaad 800 meyl xeebta ah iyo 300 xeeb xuduudeed bad weynta pasifica iyo mida caribbean ka waxaana jirta xeeb lagu magacaabo ostional oo lagu arko arribada inta u dhaxeyso april ilaa december waxaa xebtaan lagu arkaa in ka badan boqol kun oo qubo ama diin-diinka bada ah si ay u kumahoodi u dhigaan.
Jaziiradood Dalka Costa-Rica
Dalkan wuxuu leyahay 30 jaziiradood oo weyn oo ay hoos tagaan boqolaal jaziriiradood oo yaryar waxana laga xusi karaa jsida jaziirada coco's oo ka fog (550km) dhul weynaha costa rica sido kale dalkan waxaa laga gacan lagu magacabo nibiriga ama bahibajena wana gacan la moodo seenta nabiriga.
Waxaa dalkaan laga helaa afar gobood oo ka mid ah goobaha dhaxalka aduunka ee Unesco sidoo kale luuqada rasmiga ah ee dalkan waa Spanish waxaana jiraan ilaa iyo 5 luuqadood oo wadani ah oo ay ku hadlaan dadka kala duwan ee dalkaan si gaar ah raga dalkan waxaa loogu yeraa Ticos halka dumarkana loogu yeero ticas lakiin raga iyo dumarka ajanabiga ah sidaas looguma yeerooo inta badan raga ajanabiga ah waxaa loogu yeeraa Girincos halka qofka dumarka ee ajanabiga ah loogu yeero Girincas.
Sanadkii (1502)
Sanadkii (1502) waxaa xeebta costa rica gaaray sahmiyihii lagu magacaabi jiray Christofffel Columbus ka dibna waxaa ku xigeen safaro sahmineed ilaa gumestihii spanish ee saldhigtay dalkan xiligii gumestihii spanish waxay costa rica aheyd mandiqad sabool ah oo ganacsi ahan go'doonsan waxayna 1719 madaxda spanish ku tilmaamen halka ugu dhibka iyo faqri badan guud ahaan ameerica.
madax-banaanid
Costa rica sedex jeer bey madax-banaanideda qadatay mar waxay ka qadatay gumeestihii spanish marna waxay ka qadatay mexsico waxay ugu danbeyn ka xuub siibatay jamhuriyadii federalka ee bartamaha america hadaan usoo dadagnana costa ricaga casriga ah sanadkii 1889 waxaa markii ugu horesay dalkan ka qabsontay dorasho qof iyo cod ah in mudo ah waxay costa rica ka fogaatay dagaladii halakeyay ilaa ugu danbeyntii uu laad ku dhaftay nidaamkii dimoqraadiga ah kaligii taliyihii federico tinoco grandos kasoo talinaayay 1917 ilaa 1919.
Sanadkii 1948
1948 waa sanad taariiqi ah uu dalkan leeyahay waana sanadka Jose figueres ferrer bilaabay kacdoon hubeysan oo ka dhashay muran doorasho waxaan dhacay kolkaasi dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen ilaa iyo labo kun oo ruux wuxuuna kacdoonkas sababay in dastuur cusub la dajiyo islamarkisan madaxweyne ka noqdo Jose Figueres waxaa Jose loo aqonsaday halyey qaran wuxuna markii xafiiska la wareegay 1948 uu kala diray ciidamadii militariga ee dalka waxayna markas ka dib costa rica noqotay dalka ugu weyn ee aan laheyn ciidamo militari ah waxana miisaniyadii ciidamada militariga loo weeciyay dhanka waxbarashada iyo dhaqanka manta 96% oo ah dadka dalkani waa kuwa wax qori kara waxna aqrin kara.
Keep up zhp🔥✊🏻
ReplyDelete