Waqtigii uu bilaawday dagaalkii 2 labaad ee aduunka sanadihii u dhaxeeyay 1941 ilaa 1942 ciidamada dalka jarmalka ayaa gudaha u galay dhulkii muslimiinta degnaayeen ee baalkanis ee waqooyiga africa giriin gobolka koowkaas iyo bartamaha eeyshiya.
![]() |
www.cadced.com |
Hitler ayaa bilaaway dadka diinta islaamka heysto in xishmad gooni ah la siiyo arimo siyaasadeed oo muhiim ah awgeed wuxuuna taliskii naasiga inuu muslimiinta kasbado isbaheysina la sameesto kuna daro dagaalkii ka dhanka ahaaa reergalbeedku boqortooyadii ingiriiska midowga sofiyeetka ameerika iyo yahuuda.
Goobihii hore aay muslimiinta dagnayeen jarmalku wuxuu ka waday baaqyo diini ah oo aad u balaaran uu ku muujinaayay in talisku naasiga uu yahay cudud difaac oo islamka ah bilawgii sanadkii 1941 ciidamada naasiga kahor inteysan u gudbin waqooyiga africa waxay u qeybiyeen askartii jarmalka buugaag culuumta islaamiga sharxaayo oo lagu baraayo askarta jamalka sida loola macamilaayo msulimiinta halkaasi, dhinaca barina siiba gacanka kareemiya iyo kowkaas ee ruushka halkas ee hogaamiyhii hore ee ruushka Joseph Stalin oo si ba’an ugu xasuuqay islamka ka hor wuxuu taa badalkeeda jarmalku dhiseen masaajido iyo waliba dugsiyo quraan iyagoo rajeynaaya iney soo afjaraan maamulkii soofiyeedka.
saraakisha sirdoonka jarmalka waxay waagaas ka shaqeynayeen iney siyaasadeeyan diinta ama mashruuca jihaadiga ah si ay muslimiinta ugu soo jiitaan dagaalka, dhinaca kale waxaa qorshahaas hareer socday in tobonaan kun muslimiin la qoro kuwasoo laga soo bilaabo 1941 ciidamadii jarmalka ka qoreen dadyowgii muslimka ah ee ku noolaa Bosnia Albania Cremia iyo muslimiin badan oo ka yimid gobolka Kaukasus iyo bartamaha Asia.
Siyaasadihii laga lahaa muslimiintaas waxay ahayeen kuwa kala duduwan haba ugu horeysee goobihii cidamada jarmalka ka dagalameen oo ay ku nolaayen dadyoowga muslimka ah, waxay tani kusoo beegantay xili ay xaaladii ciidamada jarmalka ay xumaatay wadadii kali ay u furneeyd ay aheyd in qorshahaan lagu kabo.
Qasaarihii dabayaqyadii 1941 askarta jarmalka kasoo gaaray dhinaca bari madaama askarta muslimiinta ah ay ahayen kuwa daacad ah oo leysku haleen jiray dhinac walba guulo la taaban karona kaso hooyiyay dagaladii ka dhacay Istalingrad waxana jira arimo badan oo muujinaya in hitler iyo naasiyiintu ay aad ula dhacsanayeen islamka marka loo eego aqlaaqda askariga muslimka ah kaga soocan yahay askarta kale.
Arintaan asigoo ka hadlaaya Alberto Esbir wasirkii hore dhinaca hubka iyo rasaasta wuxuu ku qoray buugiisa oo ka sheegay mid ka mid ah shirarka masiixiyadu kuma haboono mabaadiida jarmalka, kulan kalena wuxuu hitler ka yiri xaqiiqdada suuban ee jihaadka aminsan ee oraneysa inaan qofna loo furin samada todobaad loo furin marka laga reebo mujaahidka kaliya ayan anigu go‘aansan lahaa inan kaa qaato diintaas si jarmalku u qabsado aduunka.
keep going for your perfect news and etc
ReplyDeleteWararka noo soo badi wll
ReplyDeleteKeep going wllk
ReplyDelete