Xaqiiqooyin badan aadan ka ogeeyn soomaalidada

 


Soomaaliada 100% waa kuwa shaaficiyo ah oo huwan mad-habka shaaficiga ah waana dad ay diinta islamka soo garatay inta aysan gaarin madiinatul-munawara iyo jaziiradaha carabta mana jirto tariiqda dad soomaaliyeed oo seef lagu islaamiyay sheegeysa waxayna tan qiyam u tahay garaadkii mabaa’dii iyo qiyamkii awoowe yasheen xambaar sanaayeen.

Imaam Axmed Gureey

Hogaamiyihii ugu horeeyay oo african ah adeegsada madaafiicda dagaalka waana halgamaga kow-waad furta cagtana mariyay boqortooyada xabashada, wuxuuna qabriga nabiga (scw) ka difaacay isbaheysi ka dhaxeeyay  xabshada iyo boqortooyada bortiqiisaka kuwaas oo doonayay iney qabsadaan magalada madiina ayna damacsanayeen iney qataan qabriga nabiga (swc).

Sayid Maxamed Cabdulle

Wuxuu ahaa hogaamiye ku suntanaa hal-adeeg iyo geesinimo halyeey tariiqda umada soomaaliyeed ka galay baal dahab ah ilaa iyo hadana ay umada soomaaliyeed ku faanaan una haayaan xushmada dhamaan umada afsoomaaliga ku hadasha sayidka wuxuu nolaa 1856-1920 wuxuu hogaamiyihii darawiishta lana dagaalamay gumeystihii ingriiska,talyaaniga iyo xabashida wuxuuna la dagaalamaya 20 sano

Sheeq Xasan Barsane 

Wuxuu ahaa halgamaa iyo sheeq diinta caalim ku ah wuxuu 1956 ku dhashay degaanka ubaadi oo dhaca agagaar jowhar gobalka shabelaha dhexe ee soomaaliya sheeq xasan barsane waxa uu  aaday waxbaraho dibadeed waxa uu dalka ka tagay iyadoo gumeystihii reer yurub aysan dalka joogin waxa uu waxbarashada dibadeed ka dib soo labtay iyadoo oo degaankiisa iyo koonfurta idilkeed ay gacanta u gashay talyaaniy iyo xabashida oo ku taameysay isku fidinta dhamaan dhulka soomaaliyeed sheeqa waxa uu ka dhiidhiyay inuu gumeysto ku hoos noolaado waxa uuna qaatay hubka isagoo aruuriyay xer iyo ciidan hubeysan kuwaas oo dagaal kala hortagay gumeystihii dalka, dagaaladii adkaa ee barsane uu la galay kooxihii iskashanayay waxaa ka mid ahaa kii cunar sheeg oo amxaaro kaga hor istaagay gaarista muqdisho iyaga oo lagu jabiyay degaanka lagu magaacbo teeytale ee aaga balcada taariiqdu markey aheyd 1905.


2 Comments

Previous Post Next Post