Sidee loo maareeyaa waqtiga iyo arimo ku sabsan

Sidee loo maareeyaa waqtiga iyo arimo ku sabsan


Waqtiga waa gallad Eeeb nagu maneestay, Galladaas Eebe na siiyay wan dayacnay.

Mid ka mid ah Nimcooyinka ay bulshadeenu dayacday, waana lagu weyndiin donaa
Maalinta Qiyaamaha.
Waqtiga waa sida Harka oo kale ama hantida mar haddii uu ku dhaafo aan dib loo heleeyn.
Waqtiga waa Nolosha iyada oo lagu cabiraayo qiimo aan wax loogu dhigo laheeyn.
Waqtigu waa Seef haddii aadan gooyn adiga ayuu ku gooyn.
Haddii maalin ku dhaafto adiga aan ka faa’ideeysanin, Maanka ku haay in qayb adiga kaa maqan ineey tahay.


Qiimaha waqtiga

Aduunyada caawiyo maalin weys iscirbinayaane Cabaarkiiyaree kaa taga waa cad kaa go’anee,

Cimrigaan gabaabsiga noqdee sii ciriir-yoobay Camalfalasho wixii aam aheyn kagama ciil beeshid,.

Qofbaa qiimo badan dunida ay wada qirtoo Naftiisune qaali tahay wuxuu bilado ku qaatay,

Qiimaha waqtiga uu gartee intuu maalintii qorsheeyay ayuu sandkii qasaarin.


Hal xiraalaha Waqtiga


Waxaa aad loo tibaxaa manta in adduuyanda ay hormar casri ah gadheen sida Teknooljiyada, Caafimaadka, Hubka, IWM
Hormarka Bini’adamka sameeyay markii loo bar-bar dhigo qarniyo ka hor waana mid kaaf iyo kala dheeri ah.
Yoolka Bini’adamka uu gaaray ama koboco weeyn ka sameyeeyay sida Diyaaradaha, Gujisyada, Hubka nuclear-ka iyo mobile-lada.
Alle {SWT} wuxuu bayaaniyay Waqtiga micnaha uu leeyahay, tusaale waxa kuugu filan Alle Waqtiga u kala saaray labo galin Habeen iyo Maalin inta haddaa wax ku fahmi weysay caqliga ka shaqeeysii.


Hormar Aan Waqti Laheen


Haddii aad ku socoto waddo sax ah aadna diyaar u tahay in aad ku sii socotid ugu danbeynta waxa aad sameyn dontaa hormar,
Waa hubaal in aad hormar gareeysid, waa haddi aas nolosha ku dabaqdid waqtigaadane aad ugu faa’ideysatid qodobadan ku xusan.


Ka Faa’ideysiga Waqtiga


Labo Nimco ayaa jirto oo aan dadka intooda badan moogan yihiin waa waqtiga Firaaqada/Jaanis iyo caafimaadka.
Firaaqada badan waa bilowga fashilka , mar haddii ay badantahay firaaqadadu waxa aad ogataa in aad dabin ugu jirto guuldarada.
Waxa aad firaaqadadu ugu faa’ideysataa aqrinta wixii ku anfacaayo sida Quraank, buugaagta taariiqda, Hormarka, IWM


Waqtiga Haku Idleeyin Nasiinada


Nafta xaq beey kugu leedahay oo lagama oo lagama maarmaan in aad wax yar u dajisaa,
Balse ma ahan in aad ka dhigto nasiinada qeyb ka mid ah noloshaada oo dhan.


U sameey naftaada jadwal


Jadwalka qorani waxaa uu kaa caawinayaa isku dhex yaaca tirada badan, oo aad garan weydo hadba howsha ugu mudan qabashadeeda.
Isku day in aad nafsadaada u sameeyso jadwal maalinle ah oo aad xamili karto.


Baro kalmada maya


Ha noqon dameeri dhaan raacday, oo waxa aad noqotaa qof qiimeeysan oo cid walbaa aysan heli karin.
Marka aan ku leeyahay baro kalmada maya micnaheedu ma ahan in aad cid walba iska diidaa adiga oo bilaa camal ah basle waa ineey ku kala baxsanaataa waqtiga aad firaaqada leedahay iyo waqtiga kale.


Ka fikir caafimaadkaga


Caafimaadka waa sheyga ugun qaalisan ee Alle ‘’swt’’ nagu maneestay anaguna aan dareensanen ahmiyad gaar ahna wuu noo leeyahay mana dareeno ilaa aan ka bukoono.

Inta aadan weynin araga, maqalka, sanka, iyo dhamaan xubin walba oo jirkaaga ka mid ah kaga faa’ideeyso waqtiga aad heysato Alle ugu mahad-celi marwaliba.












Heybad

My name is Adnan Abdulkadir Mohamed, I'm content writer blog poster and etc

Post a Comment

Previous Post Next Post

Contact Form