Xikmadooyin la xariira qoraalka & wax akhrinta

Qoraa walba wuu dhiman dononaa, wuxuu gacmihiisa ku qorayna wax ka danbeeyo oo ka hadha ayay noqon doonaan:

Ha qorin wax aan ku faraxad gelin doonin malinta Qiyaamaha in aad aragto.

Ogsoonow qoraalka inuu yahay ama qalinka inuu yahay wax ugu horeeyay ee Allah abuuraya, wixii la qorana dhaxal beey noqdaan.


Qoraa walba wuu dhiman dononaa, wuxuu gacmihiisa ku qorayna wax ka danbeeyo oo ka hadha ayay noqon doonaan:  Ha qorin wax aan ku faraxad gelin doonin malinta Qiyaamaha in aad aragto.  Ogsoonow qoraalka inuu yahay ama qalinka inuu yahay wax ugu horeeyay ee Allah abuuraya, wixii la qorana dhaxal beey noqdaan.


Qofka intuu wax curiyo dadka la wadaagaa waxa uu la mid yahay qof inta uu caqligiisa weel ku soo riday dadka la wadaaga!


Buugaagta iyo wax kasto oo la qoro waa ay argagax geliyaan kuwa raba in ay daboolaan runta.


Haddii aad rabto in aad dal barato, akhri qoraayaasha.

Siada uu u jiro qoraal hal-abuur ah, ayuu u jiraa akhris hal-abuur ah.


Hal buug aad si fiican u aqrido wuxuu u dhigmaa boqol saxiibo wanaagsan, balse hal saxiib oo wanaagsani wuxuu u dhigmaa maktabad oo dhan.


Tani waa wax u gooniya buugaagta waxa ay kuu oggolaanayaan in aad socdaasho adiga oo aan tallaabo qaadin.

Akhristuhu waxa uu noolaadaa kun nolollood.


Sababta aan wax u qoraa keliya waa dareenka i gubaya. Haddii aanan qori laheyn. Ma aan awoodeen in aan xasilooni helo.


Wax kasta oo aad hammad u heyso waa in aad sameysaa. Haddii aad rabto in aad wax qorto, wax ka qor wax aad garenayso.


 Qoraaga waa in uu jiraa cod dhexdiisa ka leh, ‘Runta sheeg’ muuji wax xoogaha sir ah.


Buugaagtu waa markabyo kuwaas oo dhex maraya badaha ballaaran ee waqtiga.


Meel kasta oo ay buugaag ku gubaan sidoo kalana, ugu danbeynta, dadka ayya gubi.


Nin kasta oo wax badan akhriya maskaxdiisana in yar isticmaala wuxuu ku dhacaa caadooyinka caajis ee fekerka.


Qofka aan rabin in uu wax akhriyo kama faa’ido badna qofka aan wax akhri karin.


Dunida oo  dhan ayaa iskuday furtay markii aan bartay sida wax loo akhriyo.

Haddii aanad ka helin qof sheekadiisa, adiga sheeko kuu gaar ah qor.


Ma aha in aad gubto buugaag si aad u burburiso dhaqan. Keliya dadka ka jooji in ay akhriyaan.


Haddii uu jiro buug aad rabto inaad akhrido, lakiin aan weli cid qorin, markaas waxa aad ku qasban tahayb in aad adiga qortid.


Qoraagu waa in uu lahaadaa hal-adeyga abwaanka iyo suureeynta (Khiyaalka) seynisyahanka.


Qorida waa fekerid si aad si fiican wax ugu qortid, waa in aad si cad u fekertaa, waana taa sababta ay u adag tahay.


Hal cunug, hal bare, hal qalin iyo buug ayaa dunida dhan wax ka baddeli kara.

Qofka aan akhrinin buuga wanaagsani waxba ma dhaamo qofka aan wax akhri karin.

Ama qor wax u qalma in la akhristo, ama samee wax u qalma in wax laga qoro.


Wax akhrisku waxa uu ii yahay hab aan ku ballaadhiyo garaadkeyga, ku kala furo indhaheyga, kuna buuxiyo qalbigeyga.


Calamka wax sida buugga, qofkii aan safrin wuxuu la mid yahay qof buug hal bog oo keliya ka akhriyay.


Buuggu waa maquuno (Hadiyad) aad mar kasta iska furanaysid.


Ma jiro saxiib u daacad ah sida buugga u daacad yahay.


Waxa jiro dembiyo ka xun in buugga la gubo. Mid ka mid ahi waa in aan la akhriyin iyaga.


Qol buugaag la’aan waa sida jidh bilaa naf ahi



Heybad

My name is Adnan Abdulkadir Mohamed, I'm content writer blog poster and etc

Post a Comment

Previous Post Next Post

Contact Form