Maah-Maahoyinka loogu adeegsiga badan yahay

 

Maah-Maahoyinka loogu adeegsiga badan yahay

Waligaa ma is weydiisay waa maxay Maah-Maah? Ama malagu dhahay hal Maah-Maah noo sheeg.

Maah-Maahdu waa hadal  murtiyeed ay dad waliba dunida dusheeda saran dhaqan iyo hadal murtiyeed u ah.

Maah-Maahooyinka waa wax soo jireen ah oo waa wax hori u jiray mana ahan wax hadda dunida lagu soo biiriyaya ama lagu soo biirin doono dunideena caalam ka ahi.

Maah-Maahdu waxaa la adeegsadaa gori wax aan la fileeyn dhacaan ama kugu dhacaan markasaa dadka waxay soo hadal qaadaan ficilkii dhacay Maah-Maah ka turjumeeyso.

Waxaan kuu diyaariyay Maah-Maah si maalinle ah loo istecmaalo si fiicana u aqriso.

Abaal nin gala waa la arkay nin gudase yar.

Af caytamay ninkiisuu ku yaalaa.

Ama buur ahaaw, ama buur ku tiirsanaw.

Abtigaa waa kuu ooyaa ee kuuma argudo.

Af wax cunay xishoow.

Abtigaa waala hidda raacaa.

Abeeso yaryar ma gasho.

Abuul sisin inuu joogo iyo inuu jiifo maxaa ka dheexryo.

Adduun howli kama dhamaato.

Addoonsi cabsi buu ka abuurmaa.

Adduunyo orod laguma gaadho.

 Addeerkaa dhib la’aan buu ku dhalay.

Adduunyada waxaa kugu daran nimaad soortay oo aan kaa sii socon, iyo nimaad sugeeysoo aan kuu soo socon.

Abtirsi waxaa dhaama ragnimadaada oo aad la timaado.

Adduunka waa labo malmood, maalinna adaa leh, maalinna waa lagaa leeyahay.

Adduunyo waxaa laga wareestaa nin kaa weeyn badan, Aakhirana nin kaa cilmi badan.

Adiga oo ilaaheey aaminsan, haddana aragaaga oodo.

Ammaano kugu raagtay ayadaa baad mooddaa.

Alla aamin ma iisho.

Alif kuu hagaagaa albaqruu ku garsiyaa.

Af wax cunay xishoo.

Alloow, nimaan wax ogeeyn ma cadaabo.

Abtigaa wax kaama dhibee abti-u ekaha yuu wax kuu dhimin.

Af xumo rag waa ku kala tagaa.

Agoon ama caqli ha lahaado ama ha calool weeynaado.

Agaasin-xumo subax iyo aqooldarro fiid baa reer lumiyo.

Af xumo ninkeedee ku taalaa.

Agoon nimaan wax u tareeyn ayaa madaxa u jajabiya ama u salaaxa.

Alif kaa xumaada al baqro kaama hadho.

Alla-wateen wheel ma doono.

Albaab uusan laheeyn ninkii garaaca wajibkiisu helaa.

Ama arin keen ahaw, ama aqbal keen ahaw.

Ama waa la muuqdaa, ama waa la maqnaadaa.

Ama xeer dhigo, ama xoolo dhigo.

Ammaan cadow looma riyaaqo.

Ammaan rag waa ugu dartaa, nagana xeraday ka saartaa.

Afkii ba’ay yiriba toobadna wuu karaa.

Anigoo banaan jooga, maxaa babac I saaraaya.

Anigu kuu sheegi mayo ee yuusan afkaagu ku sheegin.

Aqal libaax lafo lagama waayo.

Aqoon darro laga roon.

Aqooni rag kama horreeyso.

Aqooni waa indho muggood.

Ardaa bulsho iyo agagol colaadeed baa leysku bartaa.

Ardaa nabadeed baa aroosyo leh.

Ardaga waxaa lagu maraa mici gariir iyo muruq rageed.

Arijiir ma kala abaal weydo.

Aroos lagama raago, lagumana raago.

Aroosaa maskiin ma ahan.

Arrad waa dan, uskagse waa doqonimo.

Arrin aan laguu dirsan eed baa kaa soo gartaa.

Arrin go’aan adag u baahan il keli ah laguma eego.

Arrin haddii laga sal gaaro, la-yaabkeedaa haraa.

Arrin labo afdhaaftay kun af bay ku dhacdaa.

Arrin layskama hor keeno ee ood baa leyska hor keenaa.

Arrin nin galay eed gel.

Arrin rag waa mudacyo afkood.

Arrin seddex og tahay qarsoodi ma gasho.

Arrini madax la qabto leedahay majo la qabto ma laha.



Gunaanud

Waxaan soo uruuriyay dhowr murti Maah-Maaheed intaan in ka badan wan heynaa.

Haddi aad jeceshihiin wan soo badinayaa fariintaada hoose noogu dhaaf.

 

 

Heybad

My name is Adnan Abdulkadir Mohamed, I'm content writer blog poster and etc

Post a Comment

Previous Post Next Post

Contact Form